Dowladda oo Shaacisay qorshe cusub oo Al Shabaab la yimaadeen iyo Ujeedka ka Dambeeya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf  Al-Cadaalla, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab keeneen qorshe ay isaga horkeenayaan qabiilada Soomaaliyeed.

Al-Cadaalada ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab markii ay tabaryareeyeen lagana awwood roonaaday in ay bilaabeen qorshe cusub oo ay isaga horkeenayaan qabiilada Soomaaliyeed oo wada dega si iyaga isugu mashquuliyaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay hayaan xogta dad ay Al Shabaab u adeegsadeen dhaqaalana ku siiyeen sidii ay isaga horkeeni lahaayeen qabiilada Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in xogtooda hayaan kuna dabajiraan dadka ay Al Shabaab adeegsanayaan.

“Waxa aan heynaa oo caddeymaheeda la hayaa oo qaarkood Hay’adaha Sharciga & ammaanka daba socdaan dad Al-Shabaab ay lacag ku siiyeen in ay qabaa’ilka isku dhuftaan oo qaarkood shaqadaas fuliyay, goobaha inta badan hadda qabiillada la isku dhuftayna waa goobaha culeysku ka jiro oo Al-Shabaab qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaallamayaan ama iska abaabulayaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala .

Wasiir kuxigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka shaqeeneyso in dadku noolaadaan oo horumar gaaraan, halka  uu Al Shabaab tilmaamay in ay ka shaqeenayaan in nolosha dadka burburiyaan.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ka socdaan hub aruursi ay wadaan beelaha degana goboladaasi qaarkood ,kuwaa oo doonaya in ay dagaal kala hortagaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -