Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Shirkii Madasha wadatashiga oo la soo gebagebeeyay (Akhriso War Murtiyeed)

Shirkii madasha wadatashiga qaran ayaa goor dhaw ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho iyadoo War-murtiyeed laga soo saaray.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socday ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxay ku lafo-gureen arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka,  wax ka qabashada saameynta abaaraha  dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA

 

Related posts

Somaliland oo Kenya u bandhigtay fursad ay ku heleyso Malaayiin dollar

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la affuray qeybo kamid ah Bulshada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay magaca sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade