Baarlamanaka Galmudug oo Muddo kordhin u sameenaya Madaxweyne Qoor Qoor

Waxaa maanta kulan isugu yimid Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Nuur Gacal, waxaana ku wehliyay guddomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanka Marwo Faadumo Cabdi Cali.

Kulankan ay isugu yimaadeen guddiga joogtada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa qorshaha wax ka bedellka iyo dib u eegista Dastuurka dowlad goboleedka Galmudug.

Guddiga Dastuurkaa, dib u heshiisiinta & arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay qorshe wax looga beddelayo Dastuurka Galmudug, dood iyo falanqeyn kadib, Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa go-aamiyay in berri 12 Sebtember la horgeeyo Qorshaha wax ka beddelka Dastuurka Golaha Guud ee Baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaana la filayaa in beri cod u qaadaan wax ka bedelka dastuurka Galmudsug gaar ahaan muddada xil heynta Baarlamanaka iyo Madaxtooyada oo laga dhigayo muddo shan sanno ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gadaal ka riixaya wax ka bedelka dastuurka Galmudug si muddo sannad ah loogu daro, waxaana muddo kororsigan daba socdaa tii ay horey u sameeyeen maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -