Sacuudiga oo ku gacan seyray dalab la xiriira dilka khashoggi oo ka yimid Turkiga

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khashoggi lagu maxkamadeyn doono gudaha dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al Jubeyr oo ka hadlayay shir ka socday dalka Baxreyn ayaa ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka inay buunbuuniyeen dhacdada dilka Jamaal Khashoggi.

Hadalka wasiirka ayaa jawaab u noqonaya dalab ka yimid dowlada Turkiga uu codsatay in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kkashoggi.

“Arrinta ku aadan dhiibista, shakhsiyaadka waa muwaadiniin u dhashay Sacuudiga, waxaa lagu xiray gudaha Sucuudiga, baaritaanada Sucuudiga ayay ka socdaan, waxaana lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka Sucuudiga” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -