Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo ka baaqday Shirka beri u furmaya Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Magaalada Muqdisho waxaa beri ka furmaya shir labo maalmood socon doona oo ay yeelanayaan Madaxda sare ee DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga, Siyaasadda, abaaraha ka jira dalka iyo khilaaf ka taagan qeybsiga deeq ka timid Bankiga adduunka.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu ka baaqday shirkan.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Allbanaadir Online u sheegay in Madaxweyne Deni uu shirkaas kaga qeyb galayo aalada fogaan arraga isagoo ku sugan xafiiskiisa magaalada Garowe.

Baaqashada Deni ee shirka beri u furmaya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ayaa dhaliyey tuhun badan, waxayna ku soo aadeysaa xili mudooyinkan ay jireen warar sheegaya Madmadow soo kala dhex galay Deni iyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

 

 

Related posts

Daalibaan oo Shaacisay War cusub kadib markii ay la wareegeen talada Afgaanistan

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo qaaday talaabo ay uga aargudaneyso Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Dagaal khasaaro sababay oo maanta ka dhacay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---