Booliska DF oo ka hadlay Video argagax leh oo baraha bulshada lagu baahiyey

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe ayaa xaqiiqada Video argagax lahaa oo baraha bulshada ku faafay kaasoo ahaa nin tooganaya wiil yar xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in wiilkaas aan xabadda lagu dhufan, arrintaasna ayu aheyd mid jiliin ah.

“Waan soo qabanay Eedeysane baraha bulshada lagu arkay asagoo xabad ku ridaya wiil yar, baaritan ayaa ku socda, illaa haddana waxaan xaqiijinay in wiilka yar aysan waxyeelo ka soo gaarin rasaasta” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sida afhayeenku sheegay Video-gaas waxaa laga duubay degmada Dharkenley l 8-dii bishan September, isagoo xusay in la soo qabtay Axmed Xasan Cilmi oo hadda u xiran booliska kaasoo ahaa ninka xabada ridayey.

“Eedeysanaya ayaa uleynaya wiil yar oo saqiir ah sida aad baraha bulshada ka aragteen, sidoo kale xabad ayuu ku ridayaa, laakiin waa filim la soo jarjaray, falkaas waa qalad, waxaan u gudbi doonaa maxkamadaha dalka, marka baarista la soo gebagebeeyo” ayuu yiri afhayeenka

- Advertisement -