Allbanaadir.com
NEWS

Kuuriyada Waqooyi oo goor dhow baahisay War naxdin ku noqday Koonfurta

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay hakisay wadahadallo heer sare ah oo qorshuhu uu ahaa in la qabto maalinta Arbacada ah.

Talaabadan ayaa la sheegay iney ka dhalatay sababo lagu sheegay caro Kuuriyada Waqooyi ay ka qaaday dhoolatusyo milateri oo ay Koonfurtu sameysay, sida ay ku warramayso warbaahinta Qaranka dalkaasi.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi, KCNA, ayaa sheegtay in dhoolatusyada ay wadajirka u wadaan Mareykanka iyo Koonfurta ay yihiin daandaansi iyo u diyaargarow dagaal.

Sidoo kale, waxay uga digtay Mareykanka inuu joogsan doono shirka taariikhiga ee lagu wado in 12-ka Juun uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump hadii ay sii wadaan dhoolatuska milateri ee ciidamadiisu ka wadaan gacanka Kuuriya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nin cirbad ku dilay mid kamid ah Ilaalada Hotelka Xayaat oo Gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Fadeexad kusoo baxday Cali Bunoow Qorane iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade

Maxkamadda dastuuriga ee Puntland oo laashay muddo kororsiga Golaha wakiilada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---