Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xubno caan ah oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ay socdaan latashiyadii ugu dambeeyay ee lagu soo magacaabo golaha Wasiirada maamulka Galmudug.

Madaxtooyada maamulka Galmudug waxaa xalay ilaa saakay laga dareemayaa mashquul la xariira magacaabista golaha Wasiirada maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu Madaxweyne Qoor Qoor ku dhawaaqo golihiisa Wasiira.

Sida aan wararka ku helnay waxaa inta badan diyaarsan liiska golaha Wasiirada cusub ee Galmudug, waxaana hada socda la tashiyadii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista golaha Wasiirada cusub.

Wasiirada cusub uu ku dhawaaqayo Madaxweynaha Galmudug ayaa wararku sheegayaan in ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo qaarkood xilal kasoo qabteen dowlada federaalka, waxaa sidoo kale ku jira dhalinyaro qeyb weyn ka qaatay ololihii Qoor Qoor.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa isugu tagay dad badan uu damac ugu jiro in ay kasoo dhax muuqdaan golaha wasiirada cusub ee Galmudug, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Galmudug in saacadaha soo aadan ku dhawaqo Golaha Wasiirada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha magacaabista Wasiirada Galmudug kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah    

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -