Dacwada xil ka qaadista Madaxweyne Trump oo ka bilaabatay senate-ka Maraykanka

Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka maalintii Talaadada ee shalay iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado.

Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go’aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha.

Qareenada difaacaya madaxweyne Donald Trump ee ku matelaya dhageysiga dacwadda aqalka sare ayaa dalbaday dhowaan in aqalka Senetka uu daaqadda ka tuuro dacwadda loo heysto madaxweynaha.

Inta ay socoto dhageysiga dacwadda loo heysto Trump, aqalka sare waxaa uu maalintii lix saac dhageysan doonaa doodda la xiriirta xil ka qaadista, waxaana shir guddoomin doona guddoomiyaha maxkamadda ugu sareysa Mareykanka, John Roberts.

Trump ayaa waxaa uu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah ee dacwadda xil ka qaadistiisa loo gudbiyo aqalka sare.

Xildhibanaada aqalka sare ayaa xilka ka qaadi kara Trump, waase haddii 67 kamid ah xildhibaanadaas ee gaaraya 100 ay u codeeyaan.

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa waxaa kamid ah 47 xildhibaan oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga, waxaana loo baahan yahay 20 xildhibaan oo katirsan isla xisbiga uu Trump ka tirsan yahay ee Jamhuuriga, si xilka looga qaado Trump.

Qareenada Trump ayaa soo saaray warbixin ka kooban 171 bog, kahor dhageysiga dacwadda, waxaana ay ku doodayaan in haddii ay jiraan qaladaad uu galay madaxweynaha aysan ahayn kuwa xilka looga qaadi karo ama dacwad lagu soo oogi karo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu eedeeyay in dhiggiisa Ukraine uu cadaadis ku saraay in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo ay isku hayaan siyaasadda Mareykanka, haseyeeshee arrintaas ayaa waxaa ay horseeday in aqalka Kongreska uu u codeeyo xil ka qaadista Trump, taas oo haatan ay go’aan ka gaari doonaan aqalka sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -