Gudoomiyaha G/Hiiraan oo jawaab kulul siiyey Xildhibaan duray Maleeshiyada Macawisley

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xildhibaan Cabdirisaaq xusul oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia uu eedeeyo shacab Soomaaliyeed oo la dagaalamaya Al-shabaab

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa ka digay in maleeshiyada Macawisley ay mustaqbalka noqon doonaan dhibaato ka daran Al-shabaab, isagoo DF ugu baaqay iney ka fiirsato in la taageero.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa hadalka xildhibaanka ku tilmaamay mid uu ku taageerayo wax uu ugu yeeray argagixisada Al-shabaab isagoo ugu baaqay gudoonka Golaha shacabka in baaritaan lagu sameeyo xildhibaankan.

Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in xildhibaanka eedeynaya maleeshiyaadka Gobolka Hiiraan kula dagaalamaya Al-Shabaab degaanka uu matalo ay haystaan Al-shabaab, ayna nasiib daro tahay inuu ka hadlo Dad Soomaaliyeed oo iska celinaaya Al-shabaab, Dhulkoodana ka Xoreynaaya, sida uu yiri.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa Carabka ku adkeeyey in Cid walbo oo ka hor timaado kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab ay u aqoonsan doonaan iney ka tirsan tahay kooxdaas, ayna ula dagaalami doonaan sida ay Al-shabaab ula diriraan.

- Advertisement -