Hogaamiyaha Guud ee Ahlu suna oo dagaal cusub kaga dhawaaqay Galmudug

Hoggaamiyaha Culimaa’udiinka Ahlusunna, Macallin Maxamuud Shiikh Xasan ayaa si rasmi ah u iclaamiyay dagaal Al-shabaab looga xoraynayo Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Qoraal uu saaka soo saaray ayuu ku sheegay in Ahlusunna isu taageen xoraynta Gobollada dhexe, si shacabka dhulkaas looga dulqaado Al-Shabaab.

“Ahlusunna Waljamaaca waxay culumo iyo xerba u istaageen xoreynta dhulka cadawga khawaarijtu dhibaateynayso ee Gobolada Dhexe” ayuu yiri Macallin Maxamuud.

Sidoo kale, wuxu sheegay in qof kasta oo ku dhinta dagaalkaas uu yahay shahiid Ilaahay u ballan-qaaday Janno.

“Waxaa ujeedku yahay in aan ummada ka dul qaadno Cadawga Al-shabaab, qof kasta oo dagaalkaa ku dhintana waa shahiid sida alle balan qaaday” ayuu sii raaciyay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli Gobollada dhexe ay ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Galmudug, iyadoo dagaal shalay ku dhexmaray duleedka Dhuusamareeb ay ku dhinteen illaa 10 qof, waxaana ku dhaawacmay labo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -