(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kana furteen..

Ciidanka Kumandoska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyada degaanka ayaa howgal qorsheysan ka fuliyey dhulka buuraleyda ah ee gobolka hiiraan.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay buurta Dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Gorgor.

“Ciidanka Kumaandoska Gorgor ayaa howlgalka ku dilay ku dhawaad lix Maleyshiyaad ah oo ka tirsan nabadiidka Al-shabaab” ayuu sarkaal ka tirsan ciidanka Gorgor oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale sarkaalka ayaa intaas ku daray in Ciidanka ay ka soo furteen Al-shabaab Afar Baqol oo neef Ari ah oo ay ka dhaceen xoola dhaqatada degaanka sida uu warka u dhigay.

Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa waxaa ka socda kacdoon ka dhan Al-shabaab oo ay wadaan beelaha goboladaas dega qaarkood oo garab ka helaya ciidamada DF.

- Advertisement -