Weerar lagu qaaday Masaajid oo dad badan lagu dilay kuwana lagu afduubtay 

Kooxo dabley hubeesan ayaa weerar ku qaaday masaajid kuyaala  gobolka Zamfara ee waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria, weerarkan ayaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in boqol burcad nuuca lo’da dhaca ah weerar ku qaadeen rasaas culusna ku fureen masaajid kuyaala xaafada Dutsen Gari ee degmada Maru, waxaana rasaasta ku dhintay ilaa shan qof oo masjidka ku sugnaa.

Afhayeen u hadlay booliska gobolka Zamfara, Mohammed Shehu ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda masjidka weerareen xili lagu jiray akhrinta khudbada jimcaha, waxa uuna xusay in 5 qof lagu dilay weerarkaasi dad kalana lagu afduubtay.

“Burcadda hubeesan waxay dileen shan qof oo cibaadeysanayey, waxayna afduubteen 18 kale, oo uu ku jiro imaamkii Masjidka,” ayuu u sheegay Warbaahinta afhayeen u hadlay booliiska .

Ibrahim Altine, oo ka mid ah dadka xaafadda ayaa isna Warbaahinta u sheegay in burcada masjidka rasaas huwiyeen xili khudbada socotay, waxa uuna tilmaamay in dadka la afduubtay ay gaarayaan 30-qof.

Dalka Nageria gaar ahaan Waqooyiga dalkaasi ayaa caan ku ah burcada hubeesan lo’da dhacda sidoo kale afduubka u geesta dadka shacabka si ay dadkaasi uga qaataan lacago madax furasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -