(Sawirro) Arday labadiisa Macalin ku dilay Faas iyo Mindi oo xukun adag lagu riday

Maxkamad ku taalla magaalada Malmö ee dalka Sweden ayaa wiil 18-sano jir ah ku heshay danbi ah inuu dil u geystay labo macalin oo wax ka dhiga dugsiyada dalkaas

Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in inta noloshiisa ka hartay.

Ardayga la xukumay oo lagu magacaabo Fabian Cederholm ayaa noqday 18-sano jirkii ugu horeeyay ee lagu xukumo xabsi daa’in kadib markii sharciga ciqaabta wax laga bedelay.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukuntay in dambiilaha uu bixiyo magdhow lacageed oo dhan hal milyan oo karoon qoysaska dhibanayaasha.

“Waa laba dil oo aad u naxariis daran oo sababay in labada dhibane ay si weyn u rafaadaan ka hor inta aan la dilin,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare Johan Kvart.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaa jirta xog ku saabsan kiiska in dembiilaha uu jeclaa toogashada dugsiyada, xasuuqa iyo falalka rabshadaha.”

Maqribnimadii 21-kii Maarso, wiilka dhalinyarada ah ayaa dubbe, faas iyo mindi ku weeraray labo macalin oo wax ka dhiga Iskuulka Laatiinka, taasoo keentay in dhintaan. Markii uu dembigaas ​​galay, isaga laftiisu wuxuu wacay booliiska oo uu u sheegay wixii uu sameeyay.

Sababta uu uu labadiisa Macalin u dilayna dembiilihii wuxuu ku gaabsaday, (Maxaa yeelay, waan necbahay iyaga)

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geystay 10-daqiiqo kadib markii warbixinta laga soo sheegay dabaqa saddexaad ee iskuulka, waxaana labada macalin soo gaaray dhaawacyo halis ah oo sabab u noqday iney dhintaan.

- Advertisement -