Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Idriss Déby oo loo Magacaabay Madaxweynaha KMG ah ee dalka Chad

General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha waddanka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa afhayeenka ciidanka.

Talaabadan ayaa timid saacado ka dib markii la shaaciyey in Madaxweynihii Chad Idriss Deby la dilay xilli uu booqanayay ciidamada dagaalka kula jira fallaagada oo duulaan xoog leh ku soo qaaday isbuucii la soo dhaafay saldhiggoodii ay ku lahaayeen Libya, sida ay ciidamadu sheegeen.

Hogaamiyahan 68 jirka ah wuxuu xukunka kula wareegay kacdoon hubaysan 1990kii. Waxaa badanaa lagu amaanay dadaalkiisa la dagaalanka kacdoonka, iyadoo Sanadkii 2020, la gudoonsiiyay darajada ciidan ee ugu sareysa ee Field Marshal.

Waxaa lagu waday inuu hoggaamiyo dalka markii lixaad ka dib markii uu helay hoggaan ballaaran natiijooyinka ku meel gaarka ah ee lagu dhawaaqay Isniintii.

Ciidanka ayaa ku dhawaaqay in la kala diray xukuumada iyo baarlamaanka, iyadoo Militariga hadda la filayo inuu xukumo dalkaas 18-ka bilood ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo amar adag ku soo rogtay Isbitaalka gaarka ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay dibad baxyadii rabshadaha watay iyo Weerarkii Beerta Uhuro

Cabdi Cade

Duqeyn lala beegsaday xarunta Idaacad Al Shabaab leedahay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---