Deni oo shaqada ka joojiyey Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Puntland & labadiisa ku xigeen

Warar soo baxaya oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqijinaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte).

Tallaabadan uu Deni qaaday ayaa timid kadib markii xalay uu kormeer kedis ah ku booqday Xarunta Hay’adda Sirdoonka PISA, isagoo la kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda qaarkood oo xaruntaas ku sugan

Jeyte oo hadda ku maqan safar dibeda ah ayaa xilkan haya muddo saddex sanno ah, waxaana loo magacaabay 24-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii.

Deni ayay sidoo kale wararku sheegayaan inuu shaqada ka fariisiyey labada Agaasime ku xigeen ee Hay’adda PISA oo kala ah Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden.

Madaxweyne Deni ayaa ku simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee PISA u magacaabay, Maxamed Nuur Jaamac oo hore u ahaa taliyaha Hoggaanka Baarista Sirdoonka Puntland.

Ma cadda sababta ka dambeysa talaabada uu qaaday Deni hase ahaatee warar ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu mudooyinkanba ka fekereyey xilka ka qaadista saraakiisha heyadda Sirdoonka Puntland.

Hay’addan PISA ayaa si weyn ula dagaalanta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxayna howl-gallada ugu badan ka fulisaa buuraha galgala ee gobolka Bari oo ay fariisimo ku leeyihiin labada kooxood

 

 

- Advertisement -