Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay Amaanka Muqdisho

Ciidamo cusub oo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sugitaanka amaanka magaalada Muqdisho, kadib markii ciidanka Xasilinta ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan amaanka Caasimada.

Ciidamada Cusub ee lagu wareejiyay amaanka magaalada Muqdisho ayaa ah guuto lagu magacaabo 14-ka October oo la aas aasay kadib qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgooska Zoobe.

Qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Koontaroolada magaalada laga soo galo iyo kuwa kale oo magaalada yaala ayaa lagu arkayay ciidankan cusub oo ku sugan halkaasna ku baaraya gaadiidka iyo dadka la socda.

Ciidamadan oo ah kuwa cusub kuna xareesnaa xerada Jeneraal Gordon ayaa loo qeybiyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan cusub lagu tijaabinayaa sugida amaanka Caasimada oo mudooyinkii dambe sii xumaanayay.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidankii Xasilinta ee horey u qaabilsanaa amaanka Caasimada ayaa gabi ahaan la xareeyay, waxaana ciidankaas lagu celiyay xerada ay ku leeyihiin Xarunta Xisbiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in amaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyo ciidamo Milatari ah, waxa uuna amray Madaxweynaha in Ciidanka Xasilinta laga qaado baraha Koontarool ee Muqdisho.

Dadka amaanka Falanqeeya ayaa isweediinaya hadii ciidankii loogu tala galay in furumaha ka dagaalamaan lagu wareejiyay amaanka Caasimada waxa ay qabanayaan ciidamada Nabad Sugida iyo booliiska oo loogu tala galay sugida amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Cabdiweli Gaas uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Puntland?

Caydiid Ali

Booliska DF oo xiray nin buriyey nidaamka canshuurta Iibka

Caydiid Ali

Dowladda Maraykanka oo War ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhiga Bali-doogle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---