Dowladda Maraykanka oo War ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhiga Bali-doogle

Safaarada Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay weerarkii qaraxyada iyo tooska iskugu jiray ee saaka Al-shabaab ku qaadeen xerada Bali-doogle oo ay degan yihiin ciidamo Maraykan ah iyo kuwa xoogga dalka.

Weerarkan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa klu bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay albaabka xerada laga galo, waxaana xigay dagaalyahano hubeysan oo dagaal toos ah halkaas ka bilaabay.

Wasaarada gaashaandhiga Somalia ayaa sheegtay in weerarkaas la fashiliyey laguna soo afjaray 10 daqiiqo gudahood, waxayna wasaaradu intaas ku dartay in la laayey dhamaan dagaalyanadii halkaas weeraray inkastoo aysan sheegin wax tiro ah.

Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay iney gudaha u galeen xerada ay laayeen 100 askari oo iskugu jiray Maraykan iyo Soomaali isla markaana ay burburiyeen dayuurado loo adeegsan jiray duqeymaha iyo qalab kale oo halkaas yiilay.

Inkastoo hadalka Al-shabaab ay dad ku sifeeyeen mid si weyn looga badbadiyey  ayeysan haddana jirin warar madax banana oo ka waramaya sida uu weerarkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -