Xubno katirsan kooxda Daacish oo la xiray xilli ay diyaarinayeen Falal ammaan darro

Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish, ragan la qabtay ayaana lagu eedeeyay in ay diyaarinayeen falal amniga lidi ku ah.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Turkiga ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga fuliyeen howlgalo lagu soo qabtay shan nin oo katirsan Daacish, waxa ayna wasaaradu sheegtay in ragan halis ku ahaayeen ammaanka Turkiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga ayaa shaacisay in Ramo Mohammed Al Hamed, oo lagu naaneyso Rami Remo, iyo afar nin oo kale oo kana tirsan shaqaalaha maamulka ISIS, la qabtay xilli uu isku diyaarinayeen fulinta howlgalo amniga lidi ku ah.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ku eedeesay ragan ay qabteen in xabsiyo kuyaalla dalka Suuriya kasii daayeen xubno katirsan kooxda kurdiga ee PKK , ee dowladda Turkiga dagaalka kula jirto una aqoonsan tahay argagaxisdo.

Dalka Turkiga oo daris la ah dalka Suuriya ayaa horey waxaa uga dhacay weeraro ay fuliyeen kooxda Daacish, waxaana xabsiyada dalkaasi ku jira xubno badan oo katirsan kooxdaasi oo howlgalo kala duwan lagu qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -