William Ruto oo Shaaciyay Arrimo uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala shaqeyn doono

Madaxweynaha la doortay ee dalka  Kenya William Ruto , ayaa sheegay in xiriir dhaw oo wada shaqeyn ah la yeelan doono dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu tilmaamay in horey usoo wada shaqeeyeen intii uu madaxweyne kuxigeenka ahaa.

Wareysi uu siiyay madaxweynaha cusub ee Kenya Tv-ga CNN ayuu ku sheegay in uu ka shaqeenayo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya,waxa uuna cadeeyay in ammaanka Soomaaliya oo hagaaga muhiim u yahay kan Kenya.

William Ruto ayaa ballanqaaday in isaga oo kaashanaya beesha caalamka kala shaqey doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dhinaca amniga ee Soomaaliya ka jirta .

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalino caqabadaha ka jira Soomaaliya, si aan suurta-gal uga dhigno in Soomaaliya ay iyadu wax ka qabato walaacyadeeda amni,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweynaha dhawwaan la wareegaya talada dalka Kenya ayaa xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay mid adag oo u baahan wax ka qabasho, waxa uuna rejo ka muujiyay in wax badan oo labada dal dan u ah ka shaqeyn doonaan isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo xumaa sannadihii hore ayaa madaxweyne vXasan Sheekh markii la doortay kaddib ka shaqeeyay sidii loo soo celin lahaa, waxaana labada dal dhax maray heshiisyo dhoor ah oo qaarkood dhaqangaleen halka kuwa kalana harsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -