Madaxweyne Siciid Deni oo hal arrin ku amaanay Odayaasha iyo Bulshada Eyl (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay Odeyaasha Dhaqanka degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa uga warbixiyey fursadaha dadka deegaan ugu jira dhismaha Gole Deegaan oo codkooda ku yimid, kana tarjumaya rabitaankooda iyo rajadooda, taas oo xoojinaysa maamul wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha kaabeyaasha degmada, horumarinta mashaariicda iyo fursadaha maalgashi ee Eyl ay xoogeysan doonaan, kaddib doorashada Guddoonka degmada oo dadka deegaanku ay muujiyeen sida ay ugu bisil yihiin hannaanka dimuqraadiyadda iyo xisbiyada badan.

“Reer Eyl, waxaan idin ku ammaanayaa sida aad isugu tanaasusheen, codkiinana u mideyseen, idinkoo dhisay Gole Deegaan oo aad hoggaankiisa ku doorateen karti iyo khibrad. Reer Puntland intooda kale waxaad tusteen awoodda codka shacabka iyo muhiimadda ay leedahay in dadku ay hoggaankooda ku doortaan waxqabad, aqoon iyo hufnaan.”

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka degmada Eyl ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay garab istaagga Golaha Deegaanka ee la doortay, waxa ayna ka digeen cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho midnimada dadka deegaanka iyo wax-wada qabsigooda, iyagoo uga mahad-celiyey Madaxweynaha dadaalka dowladdu ay ku bixinayso hirgelinta doorashada qof iyo cod ee dhammaan deegaannada Puntland.

- Advertisement -