Maxkamadda sare ee Kenya oo Go’aan rasmi ah kasoo saartay Doorashadii Madaxweynaha

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa goordhaw go’aamisay in sax tahay hannaankii loo maray doorashadii guud ee dalkaasi, gaar ahaan tan Madaxweynaha oo guddiga doorashada horey u shaaciyeen in uu ku guuleestay William Ruto.

Musharaxii laga guuleestay Raila Odinga ayaa maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan aheyd doorashada, waxaana maalmo badan oo socotay dhageysiga dacwada kiiska doorashada madaxweynaha ugu dambeeyay goordhaw maxkamada go’aan kasoo saartay.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa meesha ka saartay dacwadihii uu soo gudbiyay Raila Odinga, waxa ayna maxkamadda ayiday go’aankii horey guddiga doorashada ku shaaciyeen in madaxweynaha Kenya ku guuleestay William Ruto.

Shacabka dalka Kenya ayaa maanta si weyn u sugayay go’aanka maxkamadda sare ka gaareesay dacwada doorashada, waxaana maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee dalka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi.

Taageerayaasha William Ruto ayaa si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, waxaa sidoo kale go’aankan ka naxay taageerayaasha Odinga oo laga cabsi qabo in meelaha qaar rabshado ka sameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -