Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Laftagaren oo ka farxiyey shacabka Magaalada Xudur (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maalmahan ku sugnaa maalmahan magaalada Xudur   ayaa dhagax dhigay Mashaariic Horumarineed.

Mashaariicda ayaa kala ah, Dhismaha wado 12km ah, oo ay maalgelinayaan UNDP, Wolrd Bank iyo TIS, Hirgelinta Adeega Koronto Cadceeda ku shaqeeyob(Solar System), dhagax dhiga Xabsiga Xuddur iyo Xarunta Booliska, Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Xuddur iyo in Silig lagu wareejiyo Garoonka, Nadiifinta Warta Saalax Xabiib, iyo Dhismaha Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka (MCH).

Adeegyadan oo ah kuwo muhiim ah ayaa waxaa soo dhoweeyey shacabka Magaalada Xudur oo baahi weyn mashaariicdan oo hadii ay fulaan wax badan ka bedelaya horumar la’aan muddo dheer ka jirtay magaaladaas.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa safarka u diyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka kuso gaaray Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed.

Maamulka Degmada Waajid, Saraakisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Waajid kuso dhoweyey Wafdiga uu Hogaaminayey Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo kaaliye cusub usoo magacawday Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo si adag uga hadlay dilkii arxan darada ahaa ee loo geestay George Floyd

Cabdi Cade
Taboola Ads ---