Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Bogaadiyay Doorashadii ka dhacday degmada Eyl (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaakooda.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowladda ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta.

Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorashada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wadooyinka iyo mashaariicda dalka ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imtixaan loo qabtay arday ka badan 31 kun oo Muqdisho lagu soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

SSC: “Haddii ay mar dambe Somaliland sheegato dhulkeena, waxaan tagaynaa Hargeysa”

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---