Dowlada Liibiya oo si caro leh uga hadashay go’aankii ka soo baxay dowlada Masar

Xiisadda Libya ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa, waxaana laga cabsi qabaa inay ku dagaalamaan quwado shisheeye oo kala taageeraya dhinacyada dalkaas isku haya.

Baarlamanka Masar ayaa Isniintii meel-mariyey suurta-galnimada in ciidamo la geeyo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, kadib markii madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi uu ka hadlay inay dhici karto in howlgal militari ay ka fuliyaan dalka Libya.

Madaxweyne Sisi ayaa horey uga digay in ku siqitaanka ciidamada dowladda Libya ee magaalada Sirte ay ku qasbi karto in militariga Masar ay faro-geliyaan dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya Fathi Bashaga, ayaa si caro leh u cambaareeyey arrintan isagoo ku tilmaamtay tallaabada Masar kun sifeeyey mid fashil ku dhamaan doonta.

“Go’aanka Baarlamaanka Masar waa mid duulaan ku ah qaranimada Liibiya, kuna xad-gudbeysa xeerarka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay” ayuu yiri Fathi Bashaga.

Masar ayaa iyada oo ay wehliyaan Imaaraadka Carabta iyo Ruushka waxay taageertaa ciidamada uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar, halka dowladda Libya ay taageero ka hesho Turkiga iyo Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -