(Sawirro) Qoor-qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb & xubno uu ka mid ahaa Jen. Mascuud oo..

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoor-qoor ayaa kaga qeybgalay Muqdisho shirarkii madaxda DFS iyo DX ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa Sidoo kale masuuliyiinta soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug ka mid ahaa Taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Mascuud Maxamed Warsame oo hogaaminayay saraakiil ka tirsan Beesha Ceyr oo dhowaan ay iskhilaafeen Madaxweyne Qoor-qoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -