Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada G/Banaadir oo amartay xariga Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay inuu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa inuu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhex jira xeyndaabka garoonka diyaaradaha

Dhulkan ayaa la sheegay in Madaxweyne Xassan Shiikh uu siiyey mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhulkaas ay sheeganayaan milkiyadiisa qoyska Reer Cali Ugaas,  kuwaas oo cabashadooda jeedinayay maalmihii u dambeeyey.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa mar kale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska,

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uusan awoodin Taliyuhu inuu maxkamadda horkeeno taliye qeybeedka helaya amarada madaxtooyada.

Dhul boobka la socda Muqdisho ayaa cirka isku shareertay, tan iyo markii xilka loo doortay madaxweyne Xasssan Shiikh labo sano ka hor.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

Related posts

Dowlada Somalia oo bilowday abaabulka qorshe cusub oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Caydiid Ali

QM oo digniin ka bixisay Mashaqo ku soo wajahan qeybo ka mid ah Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Wasiir hore oo ku baaqay in la baaro Wada shaqeyn ka dhaxeysa Farmaajo iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---