Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Amar cusub la siiyay (Daawo Sawirro)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha .

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn,waxa uuna ku-simaha Ra’isul Wasaaraha ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa faray wasiiradda iyo xubnaha kale in howlaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameesay guddi qaran oo loogu tala galay in ay gacan ka geestaan xal u helida abaaraha dalka ee sii kordhaya, waxaana guddigan ka shaqeenayaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka abaarta saameesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -