Somaliland oo War kasoo saartay Doorashada Xubnaha matalaya ee ka dhaceysa Muqdisho

Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland Oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay doorashada xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Somaliland ee ka dhaceysa Muqdisho.
Kulanka golaha wasiirrada Somaliland yeesheen uu gudoomiyanayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa looga hadlay aragtida maamulkaasi ka qabo doorashada Soomaaliya gaar ahaan tan xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee lgu qabto Muqdisho.
”Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland” ayaa lagu yiri War laga soo saaray kulanka Wasiirada Somaliland.
Wasiirada Somaliland ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in horey u waday colaado ka dhan ah qaranimada Somaliland, waxa ayna tilmaameen in maanta ka daran tahay dadka kasoo jeeda Somaliland in quudhsi Xamar u tagaan.
 
”Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda, sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasiirada Somaliland.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortaa Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ku matalaya deegaanada Somaliland , waxa ayna xubnahan dowlada federaalka ku matalaan deegaanada Somaliland aysan awoodin in hal maalin xitaa tagaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -