Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxay dal Soomaalida lagu dhibaateeyo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika .

Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Johannesburg uga qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda qaarada Afrika ee (Pan-African Parliament) oo halkaasi ka furmaya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo
bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Dalka Koonfur Afrika ay kunool yihiin kumanaan Soomaali ah oo u badan ganacsato ayaa dalkaasi waxa ay kala kulmaan dhibaatooyin badan oo isugu jira dilal ,dhac, afduub iyo tarkoor, mana jiro wax muuqda ee dowladda Soomaaliya ka qabatay dhibaatooyinka lagu hayo muwaadiniinteeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhig ay dhawwaan wareejiyeen Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo Kigali kula kulmay Madaxweyne Paul Kagame (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo shaacisay in la soo afjaray weerarkii hotel Tawakal ee Magalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---