Dil ka dhacay Muqdisho iyo Dad ka careesan dilkaasi oo Wado muhiim ah xirtay

Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay dil bareer ah magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada hormarta iskuulka 21-ka October ugu geestay nin darawal ka ahaa gaadiidka xamuulka kasoo qaada dekadda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askarigan katirsan ciidanka dowladda istaajiyay gaariga kasoo baxay dekadda Muqdisho, waxaana la sheegay in darawalka oo damcay in gaariga meel fiican istaajiyo askariga ku dhuftay rasaas.

Darawalka gaariga xamuulka ayaana isla goobtaasi ku geeriyooday, askarigii  dilka u geestay darawalka ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday, waxaana xusid mudan in goobta dilku ka dhacay joogeen ciidamo kale oo dowladda katirsan.

Qaar kamid ah darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo dad kale oo carreesan ayaa xirtay laamiga isku xira dekadda Muqdisho iyo isgooska KM-4, waxa ayna dadkan diideen in halkaasi maraan gaadiidka.

Dadka dilka ka careesnaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda maalin kasta si micno darro ah ugu dilaan waddooyinka Muwdisho, sidoo kale u taalo magaalada isbaarooyin ay lacago uga qaataan iyaga oo bixiyay canshuur iyo wax kasta.

Darawalada ayaana ugu baaqay madaxda dowladda in lasoo qabto askariga dilka geestay lana horgeeyo cadaaladda, waxa ay sidoo kale ka codsadeen dowladda in wax laga qabto askarta wadooyinka u taagan har iyo habeen ee ka qaata lacagaha baada ah.

Ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyaa in wadooyinka magaalada Muqdisho ku dilaan daralawada baabuurta xamuulka qaada iyo kuwa bajaajta ku shaqeeya, waxaana marar badan Muqdisho ka dhacay dilal ciidanka dowladda u geesteen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -