Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska G/Banaadir oo soo badhigay askari galabta toogtay qof shacab ah (Sawirro)

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Xamarweyne ayaa soo xiray dable Aadan Cabdi Xasan oo ah askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka xoogga oo galabta dhaawac u geysatay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa darawalada gaadiidka Dadweynaha ee caasiga.

Askarigan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Xasan ayaa ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka xoogga dalka ee lagu soo tababaray dalka Eritreya dhowaana dalka lagu soo celiyey.

“Dhaawaca uu u geysatay Muwaadinka Soomaaliyed ayaa yimid kadib markii uu muran dhex maray isaga iyo Darawalka, waxaana haatan laga soo xiray Saldhigga Degmada, waxaana la hor geenayaa sharciga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka Booliska laguma soo hadal qaadin askar kale oo galabta nawaaxiga isgoyska Baar ubax dil ugu geystay wiil arday ahaa oo la socday mooto bajaaj ka dib markii ay fureen rasaas jid furasho ah wadada oo jaam aheyd awgeed, welina gacanta laguma dhigin askarta geysatay falkaas dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqol Milyan oo Dollar oo loogu deeqay Xukuumada Somalia & Khayre oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo ka hadlay go’aankii Midowga Afrika ka qaatay Muddo kororsiga

Caydiid Ali

Daawo: Maxay dadka Reer Muqdisho ka barteen Musiibadii 14-kii Oktoobar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---