Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo kormeer ku tagay garoon si heer Caalami ah loo dhisayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo indha-indheeyay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyuuradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyuurahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heel caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.

Related posts

Muuse Biixi oo ka hadlay Ergayga Madaxweyne Xasan usoo Magacaabay Wadahadalada Somaliland

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Shilkii dayuuradeed ee Garoonka Aadan Cabdulle

Caydiid Ali

(Daawo Video) Anas yare oo ku dhibaataysan degmada dharkeenleey oo u baahan kaalmo caafimaad oo deg deg !!

admin
Taboola Ads ---