Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hooyo Soomaaliyeed oo Imtixaanka shahaadiga ku gashay Isbitaal ay ku umushay (Sawirro)

Soomaaliya inteeda badan ayaa maanta ka bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare waxaana u fariistay ku dhowaad 35 kun oo arday oo dhameystay waxbarashada dugsiayad sare ee dalka.

Imtixaankan ayaa waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, isagoo ka dhacaya 112 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Hooyo Shamso Maxamed Xaashi waxay ka mid ahayd Ardayda maanta u fariisatay Imtixaanka Dugsiga Sare, balse waxay ku Umushay Isbitaalka maalintii koowad ee Imtixaanka taasoo sababtay in gudaha Isbitaalka ay ku gashay imtixaanka

Howlwadeeno ka tirsan Wasaarada Waxbarashada ayaa la sheegay iney Shamso warqadaha imtixaanka ugu geeyeen isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho oo ay ku umushay. waxaana arrntan si weyn u soo dhoweeyey bulshada.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadahan dambe kaalin hormuudnimo ah kaga jiray Waxbarashada dalka, waxayna dhacdadan muujineysaa kartida iyo awooda ay u leeyihiin iney wax bartaan iyagoo xitaa ku jira xaalado qalafsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Weriye ka mid noqday boqol qof oo maanta lagu laayey duqeymaha Gaza

Caydiid Ali

Saameyn intee le’eg ayuu Coronavirus ku yeelan karaa Dhaqaalaha & ganacsiga Somalia?

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo la kulmay Guddiga ka baaraan degaya Hanaanka doorashada dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---