Booliska Galmudug oo shaaciyey iney qabteen Kaydkii Qaraxyada Al-Shabaab (Sawirro)

Taliska booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Kaydkii Qaraxyada Al Shabaab ee gobolkaas.

Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in Howlgal qorshaysnaa ay Ciidanku gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad 50 Miino oo lagu kaydinayay duleedka degaanka Dagaari.

Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa xusay inay Ciidanku warbaahinta u soo Bandhigi doonaan qaraxyadaas iyo dad loo soo qabtay.

Waxaa uu sheegay in xog muhiim ah oo ay ka heleen dadweynaha ay sababtay in la soo qabto miinooyin fara badan iyo qalabka laga sameeyo intaba.

“Waxaan u mahad celinayaa shacabka degaanka Dagaari oo ciidanka Booliska la wadaagay xogta fududeysay in la soo qabto keydkan miinooyinka ah” ayuu intaas ku daray Dhamme Cali Xirsi Sahal.

- Advertisement -