Ruushka oo sheegay hal sabab oo keeni karta inuu adeegsado hubka Nuclearka

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dagaal lala galo reer galbeedka oo la isku adeegsado hub Nukliyeer ah aanay noqon doonin danta Ruushka .

“Ruushku weligood laguma cabsiin hubka Nukliyeerka laakin waxyaabaha ka dhacaya Ukraine si cad waxay u muujinayaan in dagaal lala gasho galbeedka oo isku duuban ay tahay wax jira oo dhab ahā€™ā€™ sidaasi waxaa yiri Ivani Nachayev oo ah Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda Ruushka.

Waxaa uu intaas ku daray in Fikradda Militariga Ruushka ay oggolaanayso inay ka jawaabto faragalin adeegsaneysa hubka wax gumaada Ā marka la qalqal galiyo jiritaanka amniga qaranka.

ā€˜ā€™Moscow waxay ku dheggan tahay mabdaā€™a ah inaanu jiri Karin cid ku guuleysaan karta dagaal Nukliyeer ah waana in aan la bilaabin ā€˜ā€™ ayuu yiri.

Ruushka waa dal leh awood Nukliyer, wuxuu sii wadi doonaa inuu udhaqmo sida ugu xushmadda badan intii suurtagal ah. “Isku dhac toos oo lala galo Mareykanka iyo NATO ma aha danteenna” ayuu intaas ku daray.

- Advertisement -