Madaxtooyada Soomaaliya oo Shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Jabuuti Baaqna dirtay

Qoraal goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyihii hore ee Hay’adad NISA Fahad Yaasiin hadana ah lataliyaha AMniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo lagu xanibay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Madaxtooyada Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS  Fahad Yaasiin oo kusoo jeeday Muqdisho.

Halkan ka AKhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.
 
Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.
 
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -