Dhacdo naxdin leh: Nin iska jaray xubintiisa taranka iyo sababta ka dambeysa!

Waddanka Ghana Nin beeraley ah ayaa isbitaalka jiifa isagoo xaaladdiisu ay aad u liidato kaddib markii uu si yaab leh xubinta taranka isaga gooyay

Kofi Atta ayaa sheegay in isagoo riyoonaya oo iska jaray xubintiisa taranka

“Waxaan seexday xilli duhurnimo ah, markaasoo aan ku fadhiyay kursi. Wax yar markii aan hurday ayaan ku riyooday anigoo jarjaraya hilib horteyda yaalla, si aan u karsado, Balse anigoo aan weli hurdada ka kicin, riyadiina ku dhex jira ayaan jeebka kala soo baxay mindi waxaana si kama’ ah isaga gooyay xubinta taranka” ayuu yiri ninkan.

Atta ayaa sheegay in markii uu shilkan dhacay uu ka kacay hurdada balse uu aad u argagaxay, markii uu arkay xaalada uu ku sugan yahay isagoo xusay iney labo qof oo deriskiisa ah caawiyeen.

Waxa uu sheegay inuu rumaysan waayay waxa dhacay, uuna u haystay wali riyo inuu ku jiro.

“Xaaladda dhabta ah waxaan ku baraarugay markii ay dadki i caawinayay i tuseen caddaynta ku saabsan in aan si run ah isaga gooyay xubinteyda taranka.”

Atta waxa uu intaas ku daray inuusan ogayn sida ay ku dhacday inuu mindida la soo baxo “Aad ayaan aad u qayliyay markii aan xaqiiqda ogaaday.

 

 

- Advertisement -