(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/dibeda DF & danjire Kate Foster?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.

Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday.

Waxay ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.

- Advertisement -