Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Maxaa ka jira in Somaliland ay Madaxda DF u ogolaatay ka qeyb galka aaska abwaan Hadraawi?

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa beenisay warar soo baxay oo sheegaya inay ogolaatay in Madaxda Soomaaliya ay iman karaan ka qeyb galka Aaska Abwaan Maxamed ibraahim Hadraawi oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Akhriso WAR-SAAFADEED

Beenin War ay Faafisay Warbaahinta Madaxa Banaan:

Hargeysa-18-08-2022(). Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa shaaciyey goordhayd in la aasi doono marxuumka beri salaada casar, aaskuna uu noqon doono Xabaalaha Baqiiq.

Hadaba Warbaahinta ayaa si khaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay Aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sheegay oo keli ah  haddii cidi ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaa, balse aanu jirin warka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta madax banaan.

Waxaanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama.

Waxaanu uga digaynaa Saxaafadda Madaxa Banaan in aanay siyaasadayn Aaska Qaranka ee loo samaynayo Abwaankii waynaa Ibraahim Maxamed Warsame (Hadraawi).

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

 

Related posts

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Sh/Dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Dekedda Garacad (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland & Jubbaland oo u yeertay xubnihii ugu jiray guddigi farsamada Shirkii Baydhabo

Caydiid Ali