Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo maanta mar kale Maxkamad lasoo taagay

Maxkamad kutaala magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta mar kale lasoo taagay Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynihii hore ee DDSI iyo xubno katirsanaa maamulkiisa ayaa loo heestaa in ay galeen dambiyo la xariira dilal, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed oo xad dhaaf ah.

Maxkamada ayaa lagu weediiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la xiran hadii ay jiraan cabashooyin ay qabaan sida jir dil iyo dhibaatooyin kale, waxa ayna qaarkood sheegeen in ay la kulmayaan jirdil iyo hanjabaadyo.

Xeer ilaaliinta dowlada Itoobiya ayaa mudo 14-cisho dheeraad ah siisay dacwad oogayaasha in ay kusoo dhameestaan dacwada lagu soo oogay xubanahan, waxaana mar kale la filayaa xubnahan in Maxkamad kasoo muuqdaan .

Dhawaan ayey aheyd markii ehelada Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya sheegeen in Cabdi Maxamuud Cumar lagu jir dilo xabsiga uu ku xiran yahay, waxaana eedeyntaasi beeniyay dowlada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -