Madaxweyne Erdogan oo safar dhulka ah ku tagay dalka Ukraine (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka markii ugu horeysay booqday Ukraine.

Waxaa wehlinayay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, wasiirka tamarta iyo kheydaarda dabiiciga ah, Fatih Dönmez, wasiirka difaaca qaranka, Hulusi Akar, wasiirka beeraha Vahit Kirişci, wasiirka ganacsiga Mehmet Muş iyo mas’uuliyiin kale.

Erdogan ayaa dayuurad ku tagay magaalada Rzeszow ee dalka Poland, isagoo ka dibna safar dhinaca dhulka ah uga gudbay xadka, una tallaabay Ukraine. Waxaana uu gaaray magaalada Lviv oo ku taalla galbeedka Ukraine.

Safarkiisa ayaa ku soo beegmay xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Lama soo tebin wax caqabad ah oo uu kala kulmay safarka dhulka ee uu ku galay Ukraine isagoo Erdoğan ayaa qasriga Pototsky ee ku yaalla magaalada Lviv kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy oo halkaas ku sugayey.

Isagoo ka hadlayay kulanka ka dhacay magaalada Lviv ee dalka Ukraine ka dib, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inay ka wadahadleen xoojinta jawiga wanaagsan ee uu abuuray heshiiska dhoofinta badarka ee ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay si loo helo nabad waarta.

Waxaa sidoo kale, halkaas booqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

 

 

- Advertisement -