Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamza oo qaabilay wafdi uu horkacayo David Beasley (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, David Beasley iyo xubno ka tirsan hey’addiisa.

David Beasley, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyay ee hey’adda ka socda oo soo booqda Soomaaliya – tan iyo markii abaartu billaabatay, ayaa ujeedada socdaalkiisa tahay sidii uu u xoojin lahaa hawlaha ay hey’adda WFP ka wadday dalka iyo sidii looga jawaabi lahaa cuno-yarida iyo abaaraha saameeyay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi oo soo dhaweeyay wafdiga ayaa sheegay in booqashadooda ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ay u jiheysay xooggeeda gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.

David Beasley ayaa kulanka ka sheegay in hey’addiisu ay diyaar u tahay la shaqeynta xukuumadda cusub iyo sidii loo dardargelin lahaa hawsha samafalka ee wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan ee abaaruhu ay barakiciyeen.

Related posts

(Sawirro) RW Xamse oo indhihiisa ku soo arkay saameynta roobabka ee Jubbaland

Caydiid Ali

Boqolaal ka tirsan Milateriga Turkiga oo ku soo jeeda Muqdisho

Caydiid Ali

Xamse oo shaaciyey arin xasaasi ah oo laga fulinayo degaano laga saaray Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---