DEG DEG: Madaxweynaha cusub ee dowlada Kenya oo goor dhow lagu dhawaaqay

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay xilka Madaxweynaha dalkaas ka dib markii loolan adag uu dhexmaray isaga musharaxa Raila Odinga sida uu sheegay goor dhow guddiga doorashada Kenya oo shir jaraaid qabtay.

Xarunta tirinta codadka ayaa waxaa buux dhaafiyay saraakiisha xisbiyada waxaana ka socda xafladda looga dhawaaqayey qofka ku guuleystay jagada madaxweynaha xiga ee Kenya.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jiray sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta balse waxay guushu raacday, Ruto.

Gudiga Doorashooyinka Kenya ayaa kala jabay. Xubno Guddiga ka mid ah ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn natiijada lagu dhawaaqay. Arrinkan ayaa walaac ku abuuraysa jawiga dalka Kenya.

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto oo khudbad jeediyay ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada howsha culus ee ay qabteen. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Kenyanka ee doortay.

“Waa maqribno cajiib ah waxaa ay awood oo dhan u sugnaatay dadka Kenya, ayuu khudbadiisa ku yiri.

- Advertisement -