Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Guddigii doorashada Kenya oo labo garab u kaa jabay (Wararkii u dambeeyey)

Guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Kenya, ayaa laba garab u kala qeybsamay, xili la sugayey in lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah ee doorashadii guud ee ka dhacday dalka Kenya.

Musharaxa Raila Odinga ayaa ka biyo diidan inuu tago goobta looga dhawaaqayo natiijada ka dib markii ay soo baxeen codad la sheegay inaan la tirin.

Waxaa la filayey ku dhawaaqista natiijada illaa iyo 03:00 galabnimo ee maanta.

Xarunta lagu wado in lagaga dhawaaqo natiijada doorashada guud ee heer qaran oo ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo badan.

Qaar ka mid ah ganacsiga xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa la xiray xilli hore iyadoo laga cabsi qabo rabshada ka dhasha natiijada doorashada, dadkuna wadnaha ayey farta ku hayaan.

Sida uu qabo sharciga Kenya, natiijada waa in lagu dhawaaqaa 16ka Ogosto.

Buuq iyo jahwareer ayaa harreeyay xarunta lagu waday in looga dhawaaqo cidda ku guuleysatay doorashada madaxtinimada Kenya.

Waxay u muuqatay in uu buuqa ka dhashay markii qof taageersanaa Raila Odinga uu isku dayay in uu hor istaago in uu hadlo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati.

Related posts

Daawo Video:-Maxaad ka taqaan ninkii ugu horeeyay ee hal abuuray Kaamirada Sawirka?

admin

Ra’isul Wasaare Xamse oo xaliyay Tabashooyin ay qabeen madax katirsan Galmudug iyo Jubbaland

Cabdi Cade

Sidee Mareykanka & xulafaddiisa uga fal celiyeen duulaanka Iran ku qaaday Israel?

Caydiid Ali