Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha dalka Cumaan

Dooni ganacsato Soomaali ah u rarnayd ayaa  ku gubatay xeebaha dalka Cumaan.

Doonidan oo lagu magacaabo Al-caalam oo siday hanti gaaraysa 1600-Tons oo qiimaha ahaana ka badnayd 4 Million oo dolar.

Wararka ayaa sheegaya in doonidan ay ku sii jeedey dekeda magaalada Boosaaso

Waxay ku gubatay meel u dhow xeebta Masiira dhinaca dalka Cummaan, waxaana la badbaadiyey shaqaalihii la socday.

Doontan Al-caalam waxa ay ka soo galbatay dalka Imaaraadka waxayna sidey; badeecado ay ka mid yihiin shidaal, gaadiid, raashin, qalab-dhisme iyo bagaash.

Related posts

Xildhibaano badan oo gaaray Kismaayo iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkooda (Sawirro)

Cabdi Cade

Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Doorashadiisa ka dhaceyso Kismaayo (Akhriso)

Cabdi Cade

Haween Caawinaad ka dalbaday Maamulka Somaliland oo Xabsi lagu guray (Sawirro)

Cabdi Cade