Haween Caawinaad ka dalbaday Maamulka Somaliland oo Xabsi lagu guray (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliiska maanta xabiga dhigeen haween caawinaad ka dalbanayay Xukuumada Somaliland.

Haweenkan oo caruur ay dhaleen iyo dad ehel la ah gacanta ugu jira kooxaha magafaayaha dalka Liibiya ayaa ka codsanayay Xukuumada Madaxweyne Muusi Biixi in gacan ka siiso sidii dhalintaasi looga soo saari lahaa godka madow ay ku xiran yihiin.

Haweenkan la xiray oo boorar watay ayaa maanta isugu soo baxay wado kutaala Suuqa magaalada Hargeysa, waxa ayna gacanta ku wateen boorar ay kaga codsadeen Xukuumada Somaliland caawinaad.

“Waxaan ka codsanaynaa dawladda sharafta leh inay wax nagala qabtaan sidii aan uga soo saari lahayn dhalinyarada godka madow ee Liibiya ku jirta”.ayaa ku qornaa boorarka ay wateen hooyooyinka la xiray.

Waxaa dad badan layaab ku noqotay in maamulka Somaliland xabsi ku guraan hooyooyinkaasi Soomaaliyeed ee maanta caawinaada ka dalbaday, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan xariga haweenkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -