Taliyaha Ciidanka lugta oo gaaray jiidaha dagaalka gobolka Hiiraan (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Jiida hore ee Dagaalka ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka Soomaaliyeed General Maxamed Biixi Cabdi iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidan Xooga Dalka Gen-Tawane Ahmed.

Cali Jeyte ayaa saraakisha uga mahad-celiyey xog-ogaalnimada iyo qorshaha joogtada ah ee aay la garab taagnaayeen inta Howlgalka uu socday Taasoo guulo wanaagsan laga gaaray Al-shabaab oo lagala wareegay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Maxaas iyo matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka soomaaliyeed ayaa ku amaanay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan Dadaalka iyo Howlkarnimada uu sameeyey asigoo  ku bogaadiyey guulaha wax tarka leh ee la gaaray.

Cali Jeyte Cismaan ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladaha deeganada halka, uu colka joogo iyo baahiyaha ka jiro deeganada laga saaray Al-shabaab iyo Qorshayaasha kale ee hortabinta leh.

- Advertisement -