Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Musharax diiday natiijadii lagu dhawaaqi lahaa ee doorashada Kenya

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga, kaasoo la yiraahdo, Saitabao Kanchory, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada doorashada.

Wuxuu intaa ku darey, mar haddii arrini sidaasi tahay, aanay ka codsan doonin musharaxooda madaxweynenimo inuu yimaado xarunta laga shaacinayo natiijada doorashada guud ee dalka Kenya.

Warbixin kooban oo qayb kamid ah loo oggolaadey iney arkaan warfidiyeenada maxaliga ah, ayuu ku sheegay inay jiraan khaladaad dhanka doorashada ah.

Arriintaas awgeed Dib u dhac ayaa ku yimid shaacinta natiijada doorashada oo lagu waday in lagu dhawaaqo galabta 3:30 afrikada bari

William Ruto ooah musharaxa loo saalaalinayo guusha doorashada ayaa goobta ku dhawaaqida nariijada gaaray goor hore,

Related posts

Dhul-gariir Khasaare xoogan geystay oo ku dhuftay Jasiirada Sulawesi (Sawirro)

Caydiid Ali

Arday dhigata Jaamacad ku taalla Kenya oo lacag fara badan ka xaday Banki

Caydiid Ali

Muuse Biixi: “Hooyadey baa igu canaanatay muranka ka taagan doorashooyinka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---