Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Doorashadiisa ka dhaceyso Kismaayo (Akhriso)

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ayaa shaaca ka qaaday in doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Kursigan doorashadiisa la qabanayo waxaa ka geeriyooday Ex Xildhibaan Sawaqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir kuxigeenkii hore Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta Wasaarada.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in 23-ka bishan ay bilaabaneyso qabashada araajida Kursigan oo iska leedahay beesha Baajuun, waxaana qabashada araajida ku egtahay 30-ka bishan November.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Guddiga Doorashooyinka kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -